LSE - Small Logo
LSE - Small Logo

Khalif Abdirahman

June 3rd, 2020

Milicsi ku Saabsan Axkaamta Islaamka iyo Madaxda ee La-tacaalidda Karoonaha Soomaaliya

0 comments | 1 shares

Estimated reading time: 15 minutes

Khalif Abdirahman

June 3rd, 2020

Milicsi ku Saabsan Axkaamta Islaamka iyo Madaxda ee La-tacaalidda Karoonaha Soomaaliya

0 comments | 1 shares

Estimated reading time: 15 minutes

This blog is also available to read in English.

Mosque of Islamic Solidarity, Mogadishu. Khalif Abdirahman

Soomaaliya waxay bukaankii Karoona ee ugu horreeyey shaacisay 16-kii Maarso, ilaa berigaana cudurku waa uun uu sii faafayey. Dawladda ayaa siyaabo kala duwan oo ay ku jiraan bixinta talooyin iyo xogo musiibadaa uga jawaab-celinaysay, iyadoo ku mashquulsan in ay digniin waafi ah ka bixiso halista cudurkan dilaaga ah, waxse si cad u muuqda in ay dawladdu la daalaa-dhacayso in ay farriin la haleesho dad aanan u baran dawlad talooyin ama tusaalooyin bixisa. Masaajiddu waa iska camiran yihiin, maqaayaduhu waa furan yihiin, suuqyadana tabtoodii bay dad ula ciir-ciirayaan. Uma muuqato in ay dad badani taxaddarayaan oo ay ama sanduub xiranayaan ama kala fogaanayaan. Qaar baabay u muuqataa in ay si ula-kac ah u khilaafayaan talada dawladda iyagoo u haysta in ay diinta khilaafsan tahay, meesha ay run ahaantii inta badan talooyinka dawladdu Islaamka ku qotomaan. Mid ka mid ah natiijooyinka is-kabiixa dadweynaha ayaa ah in ay dawladdu awood u weydo xakamaynta faafidda cudurka mar haddaanay haysan khayraad ay kuwa buka ku dawayso iyo aqbalitaan ay kuwa caafimaadka qaba kula taliso toona.

Qormadan waxaan isku dayi doonaa in aan ku iftiimiyo saameeyeyaal diciifiyey awoodda ay dawladdu ku isticmaali karto salabka diiniga ah ee ay heli karto si ay u war iyo talo geliso dadweynaheeda.

Salabka diiniga ah

Soomaalida dhamaanteed in yar mooyee waa Muslimiin Sunni ah oo Sunnada (Raadkii Nebi Muxammad NNKHA) iyo Qur’aanka u hoggaansan. Sidaa darted fursad bay dawladdu u haysatay in ay farriinteeda ka haaneeddo cod diimeed si ay markaa dadku uguba qaataan u hoggaansamid diineed. Tani waa muhiim markii la eego awoodda iyo ka dhaadhicinta sida kale u xaddidan ee ay dawladdu haysato. Dawladdu ma gaari karto meelo badan oo dalka ka mid ah guryahoodana kuma xayiri karto dadka deggan xitaa meelaha ay ka taliso. Taariikhda iyo dhaxalka qoran ee Islaamiga ah ayay ka buuxaan xeerar maangal ah, mabaadii’ iyo tusaaleyaal looga hortagi karo khuraafaadka, isla markaana tallaabooyinka iyo talooyinka dawladda loogu macaanayn karo hadba dadka ay la hadlayso. Hoos waxaa ku qoran tusaaleyaal mabaadii’daa iyo qaaciddooyinkaa ah:

  • Casharrada taariikhda. Safmarkii darraa ee ugu horreeyey ee waqtigii Islaamka dhaca wuxuu ka dhacay Gobolka Shaam waxaana loo yaqaannay Wabihii Camwas [Albidaayah Wan-Nihaayah, Ibnu Kathhiir, Kitaabka 7, Bogga 90], dad badan ayaana u le’day. Tebin hadda iyo xaaladdaddan ku habboon ayaa hoggaamiyihii Shaam ee berigaa (638 CD) loo tiiriyaa in uu ku yiri “Wabaagu (cudurkan faafaya) waa dab oo kale adinna waxaad tihiin xaabadii, ee buuraha fuula (kala fogaada,) markii uu xaabo waayo isagaa iska bakhtin doonee.” [Tarikh Al Tabari, Kitaabka 7, Bogga 163].  Farriintan un baa dawladda laga rabey in ay u gudbiso, hase yeeshee haaneed Reer Galbeed bay ku gudbinaysaa, markaasay dadku diidmo dhegaha la furaysanayaan.
  • Mabda’a ha-uga-darin si xooggan buu fiqhiga Islaamiga ahi aayado Qur’aan ah iyo oraahyadii Nebiga (Axaadiis) ugu saleeyaa: Tusaale ahaan, mabda’a “in dhib laga fogaadaa ka horraysa in dheef la keeno” [Alashbaah, Siyuudhi Bogga 87]. Mabda’aan oo keliyaa ku filan in ay dawladdu tallaabooyin ku xeeriso si ay u xaqiijiso in aanu Karoona cidna dhib u geysan. Xeerintaan ayaa noqon lahayd mid ay Shareecadu taageerto oo ay dad badan iyadoon lagu dirqin u hoggaansami lahaayeen.
  • Amarka lagu mamnuucay ka safridda iyo u safridda meesha uu safmar ka dhaco. Amarkaani wuxuu ku salaysan yahay faritaan toos ah oo uu Nebigii suubbanaa ku yiri: ”Haddii aad dhul ku maqashaan cudur dillaacay ama wabaa’ ha gelina dhulkaa, haddii uu cudur faafa ka dillaaco meel aad joogtaanna, meeshaa ha ka tegina.” [Bukhaari, 5396], baahida taa in haddoo kale la xoojiyana waa wax si fiican loo yaqaan.
  • Mabda’a guri joogidda. Muslimiinta waxaaba la amray in ay guryahooda ku nagaadaan marka ay musiibo ama qalalaase dhacdo si ay uga dhawrsadaan in ay wax dhimaan ama wax loo dhimo. [Bukhaari 6771, Muslim 222]
  • Mabda’a Karantiilka, Nebigu wuxuu yiri “Uga carara baraslaha (bukaanka cudurrada faafa) sidii aad libaax uga carari lahaydeen oo kale” [Bukhaari, 5771].

Mabaadii’daa iyo kuwa kale oo la nooc ihi aad ugama foga talooyinka ay dawladdu isku dayeyso in ay bixiso, una suuroggeli la’ dadka intiisa badan oo dawladda u arka sidii qalo dusha looga keenay oo isku dayeysa in ay xaddiddo xornimada dadka, xirto masaajidda iyadoo, siday u arkaan, raacaysa talooyin iyo dariiqooyin shisheeye.

Khuraafaadka diinta loo ekaysiiyey

Waxaan saxaafadda iyo baraha bulshada oo aan ku tixmay ka dheehday in ku gacan-sayrka awaamiirta dawladda loo daliishaday khuraafaad badan oo diin laga soo dhigay. Inta badan khuraafaadkaas sal iyo raad yeelan mayaan haddii dhab loo derso, yeelkoode saamayn bay weli ku leeyihiin hab-dhaqanka dadka. Waxaana ka mid ah:

  • Hadal-hayn badan oo ku xeeran “talo-saarasho” oo “Eebbe aaminid” daarran. “Eebbaan talo saartay” ayaa ah jawaabta dad badan oo Soomaaliya jooga ay bixiyaan marka la weydiiyo sababta aanay uga gaashaamanaynin Karoona. Jawaabtaan waxaa lagu qaaddici karaa mabaadii’da Islaamka oo tibaaxa, tusaale ahaan, in uu qofku awrkiisa dabrado ISAGOO Eebbena talo saaranaya. Ha yeeshee, mabaadii’daasi waa in laga haaneedayo ilo la qaddariyo lana aaminsan yahay.
  • Wadaaddo sheeganaya in ay dawo u hayaan Karoona. Inta badan dadku ma aaminsana sheegashooyinkaa, haddana waa in si is xig-xigta loo beeniyaa kuwaa, tiiyoo culimo loo qaateen ah la hawl-gelinayo.
  • Dawladdu waxay xirid la bartilmaameedsanaysaa masaajidda tiiyoo ay biibitooyinka, meelaha bunka iyo suuqyada qaadku furan yihiin, sida laga soo sheegay Somaliland. Taasi waa awaamiir aan is daboolayn.
  • Rumaysnaanta in Karoona uu yahay cudur gaalo oo aan innaga Muslim ah inaba khusayn.
  • Muslimiin shan goor maalintii weyso qaata baynu nahay, sidaa awgeed is-faridda faraxalashada muhiimad inooma leh mar haddii aannu salaad walba horteed waysaysanayno, maalintii 5 goor.
  • Dabciga is-hawirka: “Maalintaydii ka hor dhiman maa, maalintii la ii qoray ka hor mari maa, maxaan marka u taxaddarayaa.’

Kor waxaad ku aragtaa dhawr ka mid ah khuraafaadka iyo dabciyada lala meeraysanayo oo dhamaantood in ay diin ku sal leeyhiin laga dhigayo. Dawladdu is ahaan ugama jawaabi karto khuraafaadkaa. Waxay u baahan tahay in ay caawin ka raadsato culimada waaweyn ee ay dadku aaminsan yihiin dhagaysanayaanna. Ma jirto sabab aan taa loo yeeli karin haba jireen caqabaad ay tahay in laga maro arrintaase.

Saamaynta iyo Aqbalitaanka ay haystaan Wadaaddadu

Mar haddii ay dad badan su’aalo gelin karaan aqbalitaanka dawladda, gaar ahaan marka ay timaaddo khatartaan cudur ee aan hore iyadoo kale loo arag, waxay si faa’iido leh aqbalitaan uga soo amaahan kartaa ilo kale, si ay yoolkeeda u gaarto. Hajireen kooxo waaweyn iyo shakhsiyaad caan ah oo diineed oo dalka iyo qurbahaba jira, ha yeeshee, waxaa jira wadaaddo kooban oo saamayn fiican ku leh dadka intiisa bada.

Waa Ramadaan, waa waqtiga sanadka ka mid ah oo inta badan dadka qaangaarka ahi aanay keliya soomanayn ee ay wadaaddada dhegaysanayaan oo ay masaajidda xaadirayaan. Masaajidda Soomaaliya waxay leeyihiin cod-baahiyeyaal jabaq dheer leh, meelaha magaalooyinka ahna guri walba codka masaajidku wuu gaaraa. Dadku waa kuwa sooman oo aan waxba cunayn maalitiiyoo dhan iyadoo aanay cidna ilaalinayn.  Waa waajib diini ah oo ay xoojinayso waano ay ka qaateen wadaaddadaa iyaga ah. Haddii ay isla wadaaddadaa soomiyey u sheegaan in ay soonka ka sii muhiimad badan tahay in aan Muslimiinta cudur lagu dhex faafinin, qofkuna uu naftiisa ilaaliyo, waxay u badan tahay in sida ay soonka u dhawrayaan ay dad badan awaamiirtaa kalena u dhawri lahaayeen. Wadaaddadu waxaa kale oo ay garan karaan marka ay dadku u baahan yihiin in ay socdaan, gaar ahaan kuwa saboolka ah ee ay tahay in ay doontaan waxyaabaha daruuriga ah sida cuntada iyo shaqada, waxaanay tahay in ay tixgeliyaan baahiyahaa iyo dhibta ka iman karta haddii xayiraado kale awgood loo dabooli waayo.

Si ay tani u dhacdo dawladdu waa in ay marka hore hanataa aaminaadda wadaaddada la ixtiraamo. Tani ku iman mayso shirar iska sahlan iyo adeegsiga culimo-dawladeed marka horeba caan ku ah in ay siyaasadda dawladda uun ka daba jiibiyaan. Wadaaddo badan oo caan ah ayaa tacliin sare leh oo jaamicado casri ah ka baxay. Qaar baa iyagu saynisyahanno iyo injinneerro ah, waxaanay si buuxda u fahmi karaan caqabadaha cimlaaqa ah ee dunida tagtay ka haysta u babac-dhigga Karoona, iyo siday ugu adag tahay Soomaaliya oo kaabeyaal caafimaad iyo nidaam la sheegaba aan lahayn. Sidaa darted, iyadoo ku cabeebsan danta iyo go’aanka dawladda, ayay haddana fahmayaan mas’uuliyadda iyaga saaran.  Sidaa awgeed, si loo qanciyo culimadaa, dawladdu waa in ay soo dar-gelisaa saynisyahanno madax bannaan iyo dhakhaatiir sharxa habboonaanta tallaabo kasta oo ay dawladdu doonayso in ay qaaddo oo laga caawiyo. Sida ay hadda xaaladdu tahay, wadaaddo badan oo dalka ku baahsan ayaan haysan talo khubaro oo Karoona ku saabsan, oo markaa aan hubin tallaabo ay qaadaan, sidaa awgeedna hawlohoodii hore iska wata.  Kenya, dhinaca kale, masaajid tiro badan oo uu Masjid Jaamica xuddunta Nayroobi ku yaal oo ay Soomaalidu aad ugu tukan jirtey ka mid yahay ayaa albaabbada loo laabay bartamihii Maarso, intii aanba guri-joogga baahsan la gaarin. Taa waxay ku timid kulan dhex maray wadaaddada iyo xirfadlayaasha caafimaad ee Muslimiinta ah. Waxay wada guddoonsadeen in ay habboon tahay in aysan caabudeyaashu jameeco oogin ee ay guryahooda ku tukadaan. Taa bal barbardhig Soomaaliya oo aanay maamulladu amrin xiridda masaajidda (ama, sida Somaliland, fulin weyday amarkii) cabsi ay raad-reeb xun ka qabaan awgeed.

Caqabado ay tahay in la gudbo

Saladanadihii hore iyo hababkii siyaasadda ee Soomaalida, Islaamku door libaax buu ku lahaa. Ma jirin maamul si cad u jebin karay shareecada oo qarniyaal badan ahayd sharciga dhulka ay ku maamulayeen rag-diimeed wax bartay oo mar kasta haystay qaddar fiican oo madax-bannaani ah (sida uu 1331-kii Muqdisho ka soo weriyey Ibnu Batuuta). Arrintu sidaan bay ahayd ilaa uu qarnigii 19aad gumaystuhu ka yimid geyiga Soomaalida. Intii berigaa ka dambaysay, madmadow iyo caqabado ayaa sii kala dhex galayey hoggaanka diinta iyo dawladaha Soomaaliyeed. Inta badan iska caabbintii gumaystuhu waxay ku salaysnayd diin, wadaaddo uu ka mid yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (“Wadaadkii Waalnaa” bay shisheeyuhu yiraahdaan) Aabbihii Waddaniyadda Soomaalidana loo baxshay, ayaana hoggaaminayey dhaqdhaqaaqyo badan oo gobannimo doon ahaa. Markii madaxbannaanida la qaatay, hab maamulkii wuxuu ku sii socday asaaskii maamul ee gumaystaha, taana waxay keentay in ay saldhigyada diintu dawladda Soomaaliyeed u arkaan dawladdii gumaystaha oo uun magacyadii soo beddelatay.

Dagaalkii sokeeye wuxuu meesha ka saaray dawladdii caadiga ahayd, sidaa darteedna wuxuu in awood ah u soo celiyey kooxihii iyo shakhsiyaadkii diineed. Markii dhidibbada loo taagay dawladdan federaalka ah, saamayntii caalamiga ahayd ayaa soo noqotay, markaa ayay boogtii sii damaqday, waxaana uga sii daray “dagaalka argaggixisada ka dhanka ah” iyo Al Shabaab. Madaxda dawladdan reer Galbeedka u janjeerta waxay si ula-kac ah isaga fogeeyaan saldhigyada diinta, baqdin ay ka qabaan in “Islaamiyiin” lagu shaabbadeeyo awgeed. Saldhigyada diinta ayaa tan u arka raggii hore oo talada ku soo noqday oo ay taageerayaan kuwii awelba dibedda ka soo taageeri jirey. Culimada diintu waxay ku jiraan laba daran mid dooro oo Al Shabaab baa iyaguna dhinaca kale warmo la goobaya. In badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee caanka ah ayaa u kal-nugul baahida loo qabo dawlad una arka awood lagama maarmaan ah. Hase yeeshee ma jirto isku xirnaan adag oo labada haybood (wadaaddada iyo dawladda) u dhexaysa. Waxaa arrinta sii kharribaya in ay wadaaddadu u kala qoqoban yihiin si la mid ah sida ay hormuudka dawladnimadu u kala qayb-qaybsan yihiin. Wadaaddo fara-ku-tiris ah bay umadda oo dhan dhegaysataa, in badan oo wadaaddada ahse waxaa uun laga qaddariyaa gobollo ku salaysan qaybsanaanta siyaasadda Soomaalida. Tafaraaruqaa ayaa dhinacyadoo dhan siyaasad iyo diinba ku adkaynaya in ay heshiiyaan oo xiriirro dhistaan. Sidaa darteed kala fogaanshuhu sanqar yari buu u sii hulaaqayaa.

Gebaggebo

Waxaan ka baqayaa in faafidda iyo saamaynta fayraskani ay mar hore meel xun gaareen, si kastabase ha ahaatee waa arrin muhiim ah in la milicsado qaab awoodeedyada kala duwan ee Soomaaliya. Khiyaarrada dawaladda waxaa sii xaddidaya saameeyeyaal badan oo ay ka mid yihiin akhris-qoris la’aanta, ka-aamin-baxa dawladda, karaan yarida waddanka, iyo runta ah in dad tiro badani ay ku nool yihiin meelo aysan dawladdu kaba talin.  Dawladdu wax badan kama beddeli karto karaankeeda iyo saamaynteeda kooban,  waxse ay wax ka qaban kartaa caqabadaha ay aamin baxa iyo akhris qoris la’aantu keeneen iyadoo garabsanaysa madaxda iyo saldhigyada diineed ee Soomaaliya.

Si hannaankan loo billaabo dawladdu waa in ay shirar is xig-xiga oo heer sare ah la qabataa kooxaha diinta, kana faa’iidaysataa khubarada iyo wadaaddada waaweyn. Tani waxaa lagama maarmaan u ah in la aqoonsado madmadowga ku dhex weynaaday kooxaha diinta iyo  dawladda. Kooxaha diinta waa lagala tashaday arrimaha dastuurka iyo kuwa sharcigaba, haddana gacan bay ka geysan karaan mashaqadan caafimaad. Mabda’ ahaan, isu soo noqoshooyin iyo dabaggal gaar ah ayaa la samayn karaa iyadoo laga faa’iidaysanayo awoodda abaabulka iyo aqbalaadda ay haystaan xiriirrada diineed ee ka jira dalka.

Soomaaliya waxay leedahay isku xirnaan is-gaarsiineed oo heer sare ah, oo telefoonno, internet, telifishinno iyo in badan oo raadiyeyaal maxalli ah, oo dhamaantood loo isticmaali karo wada-tashi, abaabul iyo baraarujin. Tani waxay dawladda u suuroggelinaysaa in ay la shaqayso, farriin iyo saamayna la gaarto qayb ballaaran oo dalka ka mid ah.


Waxaa Turjumay Aadan Ibrahim Aw Xirsi.

Fikradihii iyo garashadii ay igu kordhiyeen awgeed, mahadi ha gaadho Alex de Waal, Axmed Muuse, Guhaad Aadan iyo Nisar Majid.

Note: The CRP blogs gives the views of the author, not the position of the Conflict Research Programme, the London School of Economics and Political Science, or the UK Government.

About the author

Khalif Abdirahman

Khalif Abdirahman is Senior Field Researcher on the LSE - Conflict Research Programme - Somalia. He has conducted research across the Somali regions for the last seven years including for Tufts University, the Rift Valley Institute and the Overseas Development Institute.

Posted In: COVID19 | Governance | Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *